Qiso diini ah oo cajiib ah oo qalbigaada jilcin doonta..!!!! “Qisadii Iigu Yaabka Badneyd”
Wakhtigii taabiciyiinta magaalada ugu wayn ee muslimiintu wax ka bartaan
waxay ahayd magaalada Baqdad ee haatan caasimada u ah Iraq
sido kale waxay ahayd magaalada laga maamulo dowlada Islaamka
maalin maalmahaa ka mid ah ayaa waxa magaalada yimid nin ka socda
boqortooyadii ruumka (the roman Empire )
kaasoo u sheegay khalifkiii muslimiiinta in uu haayo 3 suรฦร¢ร¢รข€ลกร¬ร¢รข€ลพร¢aal
oo haday muslimiintu ka jawaabaan uu siin doono maal badan oo uu ka keenay boqorka Ruumka
Khalifkii ayaa isugu yeeray dhamaan culimadii muslimiinta
iyo dhamaan wixii aqoonyahan ahaa kadib ayuu amray
ninkii Ruumaaniga ahaa inuu su`aalihiisii soo daayo
Ruumaanigii ayaa waydiiyaay Muslimiintiii halkaas isugu timid 3dii suรฦร¢ร¢รข€ลกร¬ร¢รข€ลพร¢aal ee uu hayay
waxa uuna ku bilaabay:
1- ilaahey horaantiiis maxaa jiray ?
2- ilaahey dhankee ayuu uu jihaystaa ?
3- ilaahey muxuu haayaa hadda (iminka) ?
Ruux hadlo ayaa laa waayay, shib iyo shib ayaa ka dhacday
xoogaa ka dib ayaa wiil yar oo la fadhiyay aabihii istaagay oo yiri:
Aabbe anaa ka jawaabaayo su`aalahaas anigaana idiinka aamusin doono
kadib ayuu wiilkii yaraa fasax ka qaatay khalifkiii markaasuu ku yiri Roomaanigii:
Ma taqaanaa sida wax loo tiriyo?
haa ayuu ku jawaabay roomaanigii
markaas ayuu wiilkii yaraa yiri waxaan kaa rabaa inaad tiriso tiro ilaa iyo toban ah
waana in aad ka bilowdaa kor adigoo hoos hoos u tirinaya
Roomaanigii ayaa bilaabay sagaal sideed todobo ilaa uu kaa gaaray kow
markii uu kow gaaray ayuu aamusay
wiilkii yaraa ayaana yiri: maxaa ka danbeeya kow ?
markaas ayuu Roomaanigii ku jawaabay, waxba kow ayaa ugu danbeeyaa
wiilkiii ayaa yiri hadii ay tiro kow ugu danbeyso oo aadn dhaafin weysay
sideed marka ku waydiiisay wax jiro ka gadaal midka kali ah
midka kowga ah, midka axadka ah, midka joogidda abidka ah
midka ugu horeeyaa, midka ugu danbeeyaa, midka daaรฦร’ร‚ร¬imka ah?
Romanigii ayaa la dhacay jawaabta cunuga yar
cunigii yaraa ayaana bilaabay ka jawaabista suรฦร¢ร¢รข€ลกร¬ร¢รข€ลพร¢aashii labaad
taaas oo ahayd sheeg ilaahey dhankee ayuu u jihaystaa ?
Wiilkii yaraa ayaa yiri shumac hala keeno kadib hala daaro
markii la daaray ayuu wiilkii waydiiday: ii sheeg halka uu holacu aadayo ama u jihaysanaayo ?
Romanigii ayaa ku jawaabay holaca waa iftiiin aanan uu jihaysanaynin dhanna
waqooyi , koonfur , bari iyo galbeedka wuu ifinayaa
Wiilkii ayaa ku jawaabay hadii iftiinka yar uu iftiiminaayo dhamaan afarta jiho
uusanna ku ekayn dhanna: maxaad uu malayn iftiinka (nur _us-samawati-wal-Ardh? )
ilaahey dhan walbo ayuu eegayaa waana iftiinka dhamaan dhulka iyo samawatka
ninkii ayaa hadana la dhacay jawaabta wiilka yar
Cunigii yaraa ee xikmada ilaahey ku maneystay Intuusan waydiin su`aashii 3aad
ayaa wiilkii yaraa ku yiri Romanigii:
adiga minbar ayaad fuushaa anigana dhulka ayaan taaganahay
hase yeeshee anna la iga rabaa jawaab celin marka miyeysan fiicnayn
inaad soo degto sii aan aniga minbarka uu fuulo
si dadka dhamaantood ay u maqlaan jawaab celintayda ?
Romaanigii ayaa arintaas aqbalay oo ka soo dagay minbarkii
wiilkii yaraa ayaana ku fariistay minbarkii uu kasoo degay Roomaanigu
kadib ayuu waydiiyaay su`aashii 3-aad oo ahayd:
ilaahey muxuu hayaa iminka ?
wiilkii yaraa ayaana ku jawaabay :
hada ilaahey wuxuu sababay inuu beenaale ka soo dejiyo minbar sare
kuna bedelo kii asaga aaminsanaa.
Iminka ilaaheyga aad waydiineyso waxa uu haayo
wuxuu sababay inuu beenaale diintiisaa ku jeejeesaayo uu dhulka dhigo
korna u qaado kii aaminsanaaa
ilaaheyna maalin walbo xaalkiisaa waa sidii uu asagu doono
markaas ayuu wiilkii yaraa akhriyeey ayaada 29 ee suratu-Ar-Raxmaan
Ninkii Romaniga ahaa ayaa asaga oo qalbi jab ku dhacay ku noqday dalkiisiii
wiilkii yaraa ayaana ilaahey sababay in uu noqdo Imaan aad loo xurmeeyo
lagana qaato diintaa Islaamka wiilkii yaraa ee xikmada badnaa
ayaana noqday Imaankii weynaa ee Islaamka ee loo yaqaan Al- imaan Abu Xaniifa.
Qore: Mohamed dheere
Comments
Post a Comment