DUCO QIIMO BADAN




nabigeenii Muxammad ahaa
nabad galyo iyo naxariisi korkiisa ha ahaatee uu yidhi
xadiis macnihiisa oo koobani yahay: Waxaan ku
dhaartay kay nataydu gacantiisa ku jirtee, qof iimaan
laga helay kuma ducaysan ducadan, hadii uu ku
ducaystayna Allah waa ka dul qaaday wixii uu ka
cabanayay, waxa yidhi ducadan nabi Yunus nabad
galyo korkiisa ha ahaatee markii uu ku dhex jiray
caloosha nibiriga, Kadibna Allah tabaarkaa wa tacaalaa
waxa uu kitaabkiisa ku yidhi: Waanu Ka Aqbalnay
Waxaanaanu Ka Badbaadinay Madawgii , Sidaas
Aayaanu Kuwa Iimaanka Laga Helay U Badbaadinaa.))
Ducadan ayaaa ah mid uu ku ducaysan karo qof kaste
oo Iimaan laga helay. Ma rabtaa xoolo? Ma rabtaa
guur? Ma rabtaa in lagaa suuliyo dhibka iyo culayska
ku saran? Ma rabtaa in lagaa dul qaado xanuunka ku
haya? Ma rabtaa inaad shaqo heshid? Ma rabtaa inaad
liibaantid aduun iyo aakhiroba? Fadlan ducadan
qiimaha badan ku ducayso gaar ahaan marka habeenka
3 meelood laba meelood tagaan.

Comments

Popular posts from this blog

💔 𝗠𝘆 𝗕𝗲𝗹𝗼𝘃𝗲𝗱 𝗙𝗮𝘁𝗵𝗲𝗿 💔

𝗗𝗛𝗜𝗕𝗔𝗔𝗧𝗔𝗗𝗜𝗜 𝗥𝗘𝗘𝗥 𝗗𝗔𝗔'𝗜𝗙 𝗨 𝗚𝗘𝗬𝗦𝗧𝗘𝗘𝗡 𝗥𝗔𝗦𝗨𝗨𝗟𝗞𝗔 (𝗦.𝗖.𝗪)

Ma Rabtaa Guul iyo Farxad? Ma Rabtaa Carruurtaada Iyo Maalkaaga Inuu ALLAH Kuu Dhowro, Hadaba Samee….