Ma Rabtaa Guul iyo Farxad? Ma Rabtaa Carruurtaada Iyo Maalkaaga Inuu ALLAH Kuu Dhowro, Hadaba Samee….

Ma rabtaa Guul iyo Farxad? Tuko Salaada
Sidee baan farxad u heli karnaa haddii aan ka hor nimaano Mulkiilaha farxada?
Sidee Barako ugu heli karnaa maalkeena & ubadkeena haddii aynaan adeecin Mulkiilihi Barakada awaamiirtiisi?
Sidee u Guuleysan karnaa haddii aynaan Masjidka aadin marki aan maqalno “U kaalaya Guusha”
Haddaba,
Haddii aad rabto Guul & Farxad Aduun & Aakhiraba – Tuko.
Haddii aad daalan tahay, xanuunsan tahay ama dhibaateysan tahay –Tuko.
Hadaa dhaqaale badan ama nolol fiican heysato – Tuko.
Haddii Jihada kaa qaldan tahay – Tuko.
Haddii shaki kugu jiro, rajadana kaa xun tahay – Tuko.
Haddii aad ku jirto duruuf qalafsan xalna aadan heyn – Tuko.
Wax kastoo aad sameyso, meel kastoo aad joogto, xaalad kastoo aad ku sugan tahay – Tuko.
Marnaba Salaada ha ka tagin meel kasta oo aad joogto
Waa Sawir Qurux badan, Rag Doon dusheed ku tukanaya!

Comments

Popular posts from this blog

AHMIYADDA CIBAADADA SALAADDA

𝗧𝗵𝗮𝗻𝗸 𝘆𝗼𝘂 𝗹𝗲𝘁𝘁𝗲𝗿 ✉️ 𝘁𝗼 𝗺𝘆 𝘀𝗶𝘀𝘁𝗲𝗿

Robert Mugabe iyo Hadaladiisii