Posts

Showing posts from December, 2018

DUCO QIIMO BADAN

Image
nabigeenii Muxammad ahaa nabad galyo iyo naxariisi korkiisa ha ahaatee uu yidhi xadiis macnihiisa oo koobani yahay: Waxaan ku dhaartay kay nataydu gacantiisa ku jirtee, qof iimaan laga helay kuma ducaysan ducadan, hadii uu ku ducaystayna Allah waa ka dul qaaday wixii uu ka cabanayay, waxa yidhi ducadan nabi Yunus nabad galyo korkiisa ha ahaatee markii uu ku dhex jiray caloosha nibiriga, Kadibna Allah tabaarkaa wa tacaalaa waxa uu kitaabkiisa ku yidhi: Waanu Ka Aqbalnay Waxaanaanu Ka Badbaadinay Madawgii , Sidaas Aayaanu Kuwa Iimaanka Laga Helay U Badbaadinaa.)) Ducadan ayaaa ah mid uu ku ducaysan karo qof kaste oo Iimaan laga helay. Ma rabtaa xoolo? Ma rabtaa guur? Ma rabtaa in lagaa suuliyo dhibka iyo culayska ku saran? Ma rabtaa in lagaa dul qaado xanuunka ku haya? Ma rabtaa inaad shaqo heshid? Ma rabtaa inaad liibaantid aduun iyo aakhiroba? Fadlan ducadan qiimaha badan ku ducayso gaar ahaan marka habeenka 3 meelood laba meelood tagaan.

Qiso diini ah oo cajiib ah oo qalbigaada jilcin doonta..!!!! “Qisadii Iigu Yaabka Badneyd”

Image
Wakhtigii taabiciyiinta magaalada ugu wayn ee muslimiintu wax ka bartaan waxay ahayd magaalada Baqdad ee haatan caasimada u ah Iraq sido kale waxay ahayd magaalada laga maamulo dowlada Islaamka maalin maalmahaa ka mid ah ayaa waxa magaalada yimid nin ka socda boqortooyadii ruumka (the roman Empire ) kaasoo u sheegay khalifkiii muslimiiinta in uu haayo 3 suΓƒΖ’Γ‚¢Γƒ¢Γ’€Ε‘Γ‚¬Γƒ¢Γ’€ΕΎΓ‚¢aal oo haday muslimiintu ka jawaabaan uu siin doono maal badan oo uu ka keenay boqorka Ruumka Khalifkii ayaa isugu yeeray dhamaan culimadii muslimiinta iyo dhamaan wixii aqoonyahan ahaa kadib ayuu amray ninkii Ruumaaniga ahaa inuu su`aalihiisii soo daayo Ruumaanigii ayaa waydiiyaay Muslimiintiii halkaas isugu timid 3dii suΓƒΖ’Γ‚¢Γƒ¢Γ’€Ε‘Γ‚¬Γƒ¢Γ’€ΕΎΓ‚¢aal ee uu hayay waxa uuna ku bilaabay: 1- i laahey horaantiiis maxaa jiray ? 2-  ilaahey dhankee ayuu uu jihaystaa ? 3-  ilaahey muxuu haayaa hadda (iminka) ? Ruux hadlo ayaa laa waayay, shib iyo shib ayaa ka dhacday xoogaa ka dib aya...

Ma Rabtaa Guul iyo Farxad? Ma Rabtaa Carruurtaada Iyo Maalkaaga Inuu ALLAH Kuu Dhowro, Hadaba Samee….

Image
Ma rabtaa Guul iyo Farxad? Tuko Salaada Sidee baan farxad u heli karnaa haddii aan ka hor nimaano Mulkiilaha farxada? Sidee Barako ugu heli karnaa maalkeena & ubadkeena haddii aynaan adeecin Mulkiilihi Barakada awaamiirtiisi? Sidee u Guuleysan karnaa haddii aynaan Masjidka aadin marki aan maqalno “U kaalaya Guusha” Haddaba, Haddii aad rabto Guul & Farxad Aduun & Aakhiraba – Tuko. Haddii aad daalan tahay, xanuunsan tahay ama dhibaateysan tahay –Tuko. Hadaa dhaqaale badan ama nolol fiican heysato – Tuko. Haddii Jihada kaa qaldan tahay – Tuko. Haddii shaki kugu jiro, rajadana kaa xun tahay – Tuko. Haddii aad ku jirto duruuf qalafsan xalna aadan heyn – Tuko. Wax kastoo aad sameyso, meel kastoo aad joogto, xaalad kastoo aad ku sugan tahay – Tuko. Marnaba Salaada ha ka tagin meel kasta oo aad joogto Waa Sawir Qurux badan, Rag Doon dusheed ku tukanaya!

Maxaad Ka Taqaanaa Noloshii Rasuulkeena Muxammad CSW “Ka Faaideyso”..

Walaalayaal waxaa haboon Mar kasta inaan wax ka ogaano, noloshii Rasuulkeena Muxammad CSW, maadaama aynu nahay Ummad Islaam ah, sidaasi darteeda waxaan jeclahay inaan wax ka ogaano Rasuulkeena Muxammad CSW Eheladiisa, waxaana jeclahay inaan ugu horeysiino, Adeerada iyo Eeddooyinka Rasuulka CSW. Haddaba, Rasuulka CSW, Awoowgiisa Cabdul Mudalib wuxuu dhalay 16 caruur, oo kala ah Toban wiil iyo Lix gabdhood, waxeeyna kaha ahaayeen :- 1- CABDULLAAHI oo Nabiga Aabihiisa ahaa. 2- ABUU TAALIB oo magaciisu ahaa CABDULMANAAF. 3- ZEBAYR oo ay dhashay FAATMA BINT CAMRU AL-MAQZUUMIYAH. 4- CABBAAS oo ahaa Awoowaha Khulufada CABAASIYIINTA. 5- DARAAR oo ay Cabaas isku hooyo ahaayeen, Hooyadoodna waxaa la oran jiray NATIILAH AL-CAMRIYAH. 6- XAMZAH oo ahaa Geesigii Muslimiinta. 7- AL-MUQAWAM waxeey isku hooyo ahaayeen XAMZAH, Hooyadoodna waxaa la oran jiray HAALAN BINT WAHAB. 8- ABUU LAHAB – oo magaciisu ahaa CABDULCUZAA. 9- XAARITH – Hooyadiisa waa SAFIYAH. 10- AL-G...