𝗜𝘀 𝘅𝗶𝘀𝗮𝗮𝗯𝗶 𝗶𝗻𝘁𝗮𝗻 𝗔𝗟𝗟𝗔𝗛 𝗦𝗪𝗧 𝗸𝘂 𝘅𝗶𝘀𝗮𝗮𝗯𝗶𝗻. 𝗤𝗶𝘀𝗼....

Nin dhalinyaro ah ayaa waxa uu yimi aaska saaxiibkii, kadibna isagii oo kor taagan qabrigii saaxiibkii ayaa waxaa su’aal waydiiyay nin shiikh ahaa oo ay isgaranayeen su’aashuna waxa ay ahayd. Hadii saaxiibkaa uu Alle ( swt) dib u soo nooleeyo maxay kula tahay in uu samayn lahaa ? Kadibna ninkii dhalainyarada ahaa waxa uu ugu jawaabay : ”Waxa ay ila’ tahay waxa uu isku dayi lahaa inuu soo qaleeyo salaadihii uu katagi jiray, Waxa uu isku dayi lahaa in uu dib u barto quraanki labaray ee uu dayacay, Waxa uu isku dayi lahaa inuu soo qaleey wixii soon ahaa ee lagu lahaa oo cudurdaar la’aanta uga tagay, Waxa uu isku dayi lahaa inuu hagaajiyo xidhiidhka ka dhaxeeya isaga iyo rabbigii ” Intaa kadib Ninkii shiikha ahaa waxa uu ku yidhi wiilki dhalinyarada ahaa : ” Waxa ay ila tahay wanaaga aad soo sheegtay dhammaan adiga ayaa fursad u haysta in aad samayso waayo saaxiibkaa marnaba ma soo laabanayo si’ uu u hagaajiyo wixii uu ka tagay balse maanta adigaa haysta jaanis aad ...