𝐌𝐚𝐱𝐚𝐚𝐝 𝐤𝐚 𝐭𝐚𝐪𝐚𝐚𝐧𝐚 𝐬𝐚𝐱𝐚𝐚𝐛𝐢𝐠𝐢 𝐬𝐡𝐢𝐧𝐧𝐢𝐝𝐮 𝐝𝐢𝐟𝐚𝐚𝐜𝐝𝐚𝐲
Sanadkii afaraad ee hijriyada waxa usoo wafdiyey nabiga scw koox kamida qabiilka Cudal iyo Qaara, waxayna kooxdani nabiga u sheegeen in qabiilkooda dad ka islaameen oo ayna u baahanyihiin dad saxaabada ah oo soo bara diinta Islaamka. Nabigu scw kooxdaas wuxuu ku daray toban nin oo uu hogaaminayo Caasim ibnu Thaamit oo uuna ku jiro Khubaab ibnu Cadiyy.
Saxaabadii iyo kooxdii way is raaceen, markii ay gaadheen deegaanka Rajiix ayey kooxdii lasocotay saxaabadu ay umaleegta saxaabada shirqool waxayna u habarwacdeen qabiiladoodii, kadibna saxaabadii ayaa lasoo hareereeyey, ayagiina buur ayey fuuleen. Nimankii Carbeed ee shirqoolka maleegay ayaa hadana uballanqaaday inaanay dilayn haday is dhiibaan, kadibna sadex kamid ah ayaa isasoo dhiibay hase ahaatee hadana mar laabaad ayey ballan buriyeen carabtii, waxayna laba kamida saxaabadaas u gacan galiyeen reer Qureesh si ay ugu dilaan ragii lagu dilay dagaalkii Badar, ninkii sadexaadna wuu dagaalamay waanay dileen.
Ragii kale ee buurta ku hadhay ayagana waa lala dagaalamay wayna dileen, ragaas waxa kamid ahaa Caasim ibnu Thaabit, isaguna wuu dagaalamay balse falaadhihii iyo leebabkii ayaa ka dhamaaday, markii uu arkay in la dilayo ayuu Alle baryey oo uu dhahay: “Ilaahayow sida aan u difaacayey diintaada galnkii hore adiguna jidhkayga u difaac galinka danbe”Caasim waa la dilay, waxayna gaaladii doontay inay madaxa ka gooyaan si ay u helaan abaalmarkii boqolka halaad, balse waxa Alle usoo diray maydkii Caasim shini ku xomtay jidhkii saxaabigaas, markaasay carabtii tidhi: Galinka danbe ayaan usoo laabanaynaa.
Nimankii Carbeed markay soo laabteen waxay waayeen maydkii Caasim, mise waxa yimid roob waxaana maydkiisii qaaday daad roobkaasi watay, waana la garan waayey meesha uu aaday Caasim, sidii Caasim u difaacay diintii Allah ayaa Allena udifaacay jidhkiisii markii uu dhintay.
Comments
Post a Comment