𝗗𝗛𝗜𝗕𝗔𝗔𝗧𝗔𝗗𝗜𝗜 𝗥𝗘𝗘𝗥 𝗗𝗔𝗔'𝗜𝗙 𝗨 𝗚𝗘𝗬𝗦𝗧𝗘𝗘𝗡 𝗥𝗔𝗦𝗨𝗨𝗟𝗞𝗔 (𝗦.𝗖.𝗪)
Rasuulka SCW iyo asxaabtiisu markay Makka dacwadii ka soo wadeen 10 sano, juhdi nooc walba ahna ku bixiyeen, shacabkii reer Makkana wax yar maahee ay ka wada hor yimaaddeen islaamkii, Nabiga SCW iyo asxaabtiisiina ay Makka ka noqdeen tuke cambaar leh, ayaa Rasuulku SCW wuxuu ku dhaqaaqay tallaabo kale oo ah in uu dacwadii gaarsiiyo magaalooyinka kale ee Makka u dhowaa oo laga yaabi karey iney islaamka qaataan, taasoo ah arrinta had iyo jeer lagu yaqaanno qofka daaciga ah inuusan quusan haddii irrid ka xiranto irrid kale uu garaaco, haddii ay meel dacwadii iyo xaqii diiddana ay meel kale qaadato. Sidaa darteed Rasuulka SCW wuxuu aaday Daa'if oo Makka u jirta 60 mayl isagoo uu la socdo seyd binu Xaarith wuxuuna doonayey inuu dacwada gaarsiiyo shacabka reer Daa'if. Rasuulka SCW intuu dhexda sii socday qabiil kasta oo uu sii maro wuxuu ugu yeerayey islaamka hase yeeshee cidna ma ajiibin. Markuu gaaray magaaladii Daa'if wuxuu ugu horreyntiiba u tegey madaxdii reer Daa'if rag...