Nidaamka 4.5 iyo billowgii cunsuriyadda Soomaaliya
Waa
maxay cunsuriyad? erayga cunsuriyad waxaa lagu qeexaa in uu yahay
“marka dadka qaar ay aaminaan fikrado ka soo horjeeda dadka kale oo ku
dhisan dhaqan ama diin. Waxay aaminaan in ay ka wanaagsanyihiin ama ka
fiicanyihiin kuwa kale” taasoo keenta in markaas ay dhalato cunsuriyad
xaga ficilka ah sida in loo diido adeegyada iyo in lala qeybsado
nolosha.
Dhaqanka
soomaalida wali kama dhaman cunsuriyada. Waxa jiraay dad la
cunsuriyeeyo malin walbo oo lagu yeero erayo xun sida “Laangab” iwm.
Cunsuriyadaas
xitaa waxay gaadhay in laga dhigo sharci oo lagu daro dastuurka wadanka
iyadoo loogu yeeray 4.5 system taasoo dadka qaar laga dhigay in ay
nusyihiin. Waa dadka isku dhiiga ah, isku dalka ah, isku luuqada ah,
iskuna diin aah.
Dhibaato
walbo oo bulsho qabsato waxaa lagu xaliyaa in marka hore asaaskeda la
ogaado. mar hadiibo dasturki umada soomaaliyeed uu ba qeexayo in dadka
qaar aay nuus yihin oo aysan ku xaquuq aheyn umada laga tiraada badan
yahay sidee xaal waro loga garaa midab takoorka umada kuso badanaayo.
Dadka
laga tiraada badan yahay aya la kulmaan dhibatooyin badan sida shaqo la
aan, dil jogto ah iyo in laga faano gurkooda. Dhibka umadas heysto ma
ahan mid qoral lagu so koobi karo.
Ayantan
waxa wali si weyn loo hadal hayaa guurki sababta uu noqday in la dilo
Aabe soomaaliyeed oo lagu magacaabo Ahmed Dowlo, waxaana dhacdadan
noqotay mid si weyn loo wada cambaarayey culimo caamo iyo siyaasiyin
badan. Lamaanaha guurkooda sababta uu noqday in la dilo wiilka adeerkis
arimo la xariiro xeeb sooc ayanan wali jirin wax ila iminka maxkamad
lasoo taage.
Tobon
sideed sano ka hor bey aheyd kalkii Soomaali qorshaha 4.5 ee aan
saldhiga laheyn isku deyday, si ku meel gaar ah, in ay ku caano maasho.
Tobon sideed sano kadib, “caano la maaley” iyo meel la gaaray Soomaali
Maxamed mahayso wax guul ah oo 4.5 ay soo hoydeyna ma jirto. Balse
waxay abuurtey nacayb iyo faham guud oo bulsho kuna aadan xaqdarada ay
4.5 u horseeday dib u soo abuurista hab-maamulka Soomaaliya danaheeda.
Nidaamkani
wuxuu si cad iyo si dadban ku abuurey dhamaan bulsho weynta Soomaali
cuqdad nafsi iyo xanuun eexasho la sharciyeeyey. Xumaha 4.5 kuma eka
oo kaliya danaha siyaasasadeed ee shacabka Soomaali ee loo qoondeeyay
0.5, balse waa mid falsafad, sharci-dajin, iyo dhaqan ahaan u taabanayo
dhamaan bulshada iyo shacabka Soomaaliya si wadajir ah.
Sidaa
darteed, 4.5 waa qorshe-marinhabiibin, Soomalina ka gilgilatey,
maantana, 18 sano kadib, u baahan in la saxo qaladaadkeeda iska cad.
Ficilkaas daryeelka dano-bulshada, waa waajib hor-u-socodnimo oo dhamaan
Soomaalida dan-guud u ah inta laga gaarayo hirgalinta nidaam cadaalad
iyo sinaan raad-raac leh ka abuurmayo
Qore: Mohamed Abdi Mohammed
E-mail: mohdjumbo@gmail.com
Comments
Post a Comment