Toddobadaan Sheey Ruuxii Sameeyaa Malaa’igtaa Usoo Duceyso
1) Sugidda Salaada lagu Sugo Salaada kale Rasuula CSW, wuxuu yiri:- Qofkiin Intu Fadhiyo Halku Salaada ku Dukaday uusana Adduun ka Shekeen (Ama Aysan Weysada ka Jabin) Waxa u Duceyso Malaa’ikta, waxeyna Dhahan:- Alloow u Dembi Dhaaf oo u Naxariiso Adoonkaaga. 2) Qofka Salaada ku Tukado Safka Hore iyo Safka Labaad. Nabiga CSW, wuxuu yiri:- Allaah SW iyo Malaa’iktiisa Waxey u Duceyeen Qofka ku Tukaday Safka Hore, Asxaabta waxay yiraahdeen:- Rasuul Alloow Safka Labaadna? Nabiga CSW, wuxuu yiri: Haa Waa ka mid yahay Safka Labaad. 3) Qofka Salaada Subax ku Tukado Jameecada. Nabiga CSW, Salallaahu Caleyhi Wasalam Wuxuu yiri:- Ruuxii Salaada Subax Tukado, oo Fariisto Halku ku tukaday Salaada, waxaa u Duceyso Malaa’ikta, waxeyna Dhahaan:- Alloow Adoonkaaga u Dembi Dhaaf oo u Naxariiso. 4) Qofka Salaadiisa Aamiinta Ku Daro Markasta. Nabiga CSW, wuxuu yiri:- Ruux Ma Jiro Dhaho Aaamiin Xiliga Salaada ilaa Haddu Jiro, Aamiintiisa Haddu Alle Waafajiyo Xilliga ay Malaa’ikta Aam...