xikmadii ninki safarka ahaaa

Nin dhalinyaro Muslim ah oo aad ugu ad adag Diintiisa ayaa hada ka hor soo raacey Dayuurad dabeedna markii mudo hawada lagu jirey ayaa ninkii waxaa u timid gabar ka mid ah shaqaalaha dayuurada oo Sida Qamri, laakiin ninka oo ahaa qof Alle siiyey iimaan ayaa Yiri: “Maya Uma Baahni Mahadsanid”.
Xoogaa ka dib misana waxaa u yimid isla Gabadhii oo wada dhaladii Qamriga, laakiin waxey kala kulantey isla jawaabtii hore ee aheyd: Mahadsanid uma baahni!!

Mudo kadib gabadhii oo la yaaban ninkan, diidan qamrigaan qaaliga ah, ayaa ku tiri ninkii shaqaalaha dayuurada u sareeyey: “ninkaa wuu iga diidey sharaabkan, ee waa intaas uu kaa yeelaaye u gee adiga?”

Ninkii baa soo qaadey dhaladii qamriga ahaa, markuu u keeney ninkii muslimka ahaa ayuu ku yiri: “Mahadsanid uma baahni” markaa buu yiri: “ninyahow maxaad ku diideysaa! miyaadan ka helin adeega dayuurada?”
Ninkii dhalinyarada oo caaqil ahaa baa yiri: “Orodoo sii qamriga pilot-ka ama duuliyaha dayuurada” Markaas buu yiri: “Ma waalantahey!! sideen u siiyaa duuliyaha dayuurada qamri, waajibaadkiisa ayuu gudanayaa, haduu cabo qamrigana Diyuuradoo dhan baa burbureysa!!”
Ninkii Muslimka ahaa baa yiri: “Hadaba Anigana Muslim baan ahey, waxaana gudanayaa waajibaadkeyga ah inaan caabudo Rabbigeyga, hadii aan cabana Qamrigan Nolosheyda Dhan Ayaa Burbureysa Aduun iyo Aakhiroba!!”

Comments

Popular posts from this blog

𝗧𝗵𝗮𝗻𝗸 𝘆𝗼𝘂 𝗹𝗲𝘁𝘁𝗲𝗿 ✉️ 𝘁𝗼 𝗺𝘆 𝘀𝗶𝘀𝘁𝗲𝗿

DUCO QIIMO BADAN

𝐘𝐨𝐮𝐫 𝐛𝐫𝐢𝐠𝐡𝐭 𝐬𝐦𝐢𝐥𝐞 𝐥𝐢𝐠𝐡𝐭𝐬 𝐮𝐩 𝐦𝐲 𝐰𝐨𝐫𝐥𝐝