xikmadii ninki safarka ahaaa

Nin dhalinyaro Muslim ah oo aad ugu ad adag Diintiisa ayaa hada ka hor soo raacey Dayuurad dabeedna markii mudo hawada lagu jirey ayaa ninkii waxaa u timid gabar ka mid ah shaqaalaha dayuurada oo Sida Qamri, laakiin ninka oo ahaa qof Alle siiyey iimaan ayaa Yiri: “Maya Uma Baahni Mahadsanid”.
Xoogaa ka dib misana waxaa u yimid isla Gabadhii oo wada dhaladii Qamriga, laakiin waxey kala kulantey isla jawaabtii hore ee aheyd: Mahadsanid uma baahni!!

Mudo kadib gabadhii oo la yaaban ninkan, diidan qamrigaan qaaliga ah, ayaa ku tiri ninkii shaqaalaha dayuurada u sareeyey: “ninkaa wuu iga diidey sharaabkan, ee waa intaas uu kaa yeelaaye u gee adiga?”

Ninkii baa soo qaadey dhaladii qamriga ahaa, markuu u keeney ninkii muslimka ahaa ayuu ku yiri: “Mahadsanid uma baahni” markaa buu yiri: “ninyahow maxaad ku diideysaa! miyaadan ka helin adeega dayuurada?”
Ninkii dhalinyarada oo caaqil ahaa baa yiri: “Orodoo sii qamriga pilot-ka ama duuliyaha dayuurada” Markaas buu yiri: “Ma waalantahey!! sideen u siiyaa duuliyaha dayuurada qamri, waajibaadkiisa ayuu gudanayaa, haduu cabo qamrigana Diyuuradoo dhan baa burbureysa!!”
Ninkii Muslimka ahaa baa yiri: “Hadaba Anigana Muslim baan ahey, waxaana gudanayaa waajibaadkeyga ah inaan caabudo Rabbigeyga, hadii aan cabana Qamrigan Nolosheyda Dhan Ayaa Burbureysa Aduun iyo Aakhiroba!!”

Comments

Popular posts from this blog

💔 𝗠𝘆 𝗕𝗲𝗹𝗼𝘃𝗲𝗱 𝗙𝗮𝘁𝗵𝗲𝗿 💔

𝗜𝘀 𝘅𝗶𝘀𝗮𝗮𝗯𝗶 𝗶𝗻𝘁𝗮𝗻 𝗔𝗟𝗟𝗔𝗛 𝗦𝗪𝗧 𝗸𝘂 𝘅𝗶𝘀𝗮𝗮𝗯𝗶𝗻. 𝗤𝗶𝘀𝗼....

𝗗𝗛𝗜𝗕𝗔𝗔𝗧𝗔𝗗𝗜𝗜 𝗥𝗘𝗘𝗥 𝗗𝗔𝗔'𝗜𝗙 𝗨 𝗚𝗘𝗬𝗦𝗧𝗘𝗘𝗡 𝗥𝗔𝗦𝗨𝗨𝗟𝗞𝗔 (𝗦.𝗖.𝗪)