xikmadii ninki safarka ahaaa

Nin dhalinyaro Muslim ah oo aad ugu ad adag Diintiisa ayaa hada ka hor soo raacey Dayuurad dabeedna markii mudo hawada lagu jirey ayaa ninkii waxaa u timid gabar ka mid ah shaqaalaha dayuurada oo Sida Qamri, laakiin ninka oo ahaa qof Alle siiyey iimaan ayaa Yiri: “Maya Uma Baahni Mahadsanid”. Xoogaa ka dib misana waxaa u yimid isla Gabadhii oo wada dhaladii Qamriga, laakiin waxey kala kulantey isla jawaabtii hore ee aheyd: Mahadsanid uma baahni!! Mudo kadib gabadhii oo la yaaban ninkan, diidan qamrigaan qaaliga ah, ayaa ku tiri ninkii shaqaalaha dayuurada u sareeyey: “ninkaa wuu iga diidey sharaabkan, ee waa intaas uu kaa yeelaaye u gee adiga?” Ninkii baa soo qaadey dhaladii qamriga ahaa, markuu u keeney ninkii muslimka ahaa ayuu ku yiri: “Mahadsanid uma baahni” markaa buu yiri: “ninyahow maxaad ku diideysaa! miyaadan ka helin adeega dayuurada?” Ninkii dhalinyarada oo caaqil ahaa baa yiri: “Orodoo sii qamriga pilot-ka ama duuliyaha dayuurada” Markaas buu yiri: “Ma waalantahey!! sidee...