Qiso Cajiib ah oo dhex martay Cumar Binu Khadaab iyo Qoys iska dhibanaa

Habeen habeenada ka mid ah ayaa waxaa dhacday inuu Amiirkii Muslimiita ee wakhtigaas, Cumar Ibn Khattab (ilaahay ha ka raali noqdee) oo dhex qaadayay xaafadaha Madinal Munawarrah si uu ogaado dareenka iyo dhibtaada dadkiisa. Kadib wuxuu maqlayQiso Cajiib ah oo dhex martay Cumar Binu Khadaab iyo Qoys iska dhibanaa oohin, markaas ayuu ku leexday gurigii ay kasoo baxaysay oohinta. Markaas ayuu arkay haweenay iyo caruurteeda oo oynaya, iyo digsi dabka saran. Kadib ayuu haweenaydii waydiiyay waxa keenay oohinta caruurta. Gaajo inay hayso ayay u sheegtay Amiirka. Hadaba digsiga maxaa saaran ayuu waydiiyay. Biyo caruurta lagu sasabo ayaa saaran ayay ugu jawaabtay. Maysan garan inuu ninka la hadlayo yahay Cumar.
Kadib ayay bilowday inay eed dusha uga tuurto Cumar ayada oo ku eedaysay inuu iska indhatiray dhibka haysta iyada iyo caruurteeda. Cumar oonan wali isu sheegin ayaa markaa waydiiyay waxa uu u qaban karo asaga oo markaas ilin badan ka qubanayso. Haweenaydii ayaa u sheegtay inay waajib tahay inuu ogaado dareenka ummadiisa maadaamo uu yahay Amiirkooda.
Cumar (rc) oo u la socdo gacan yarihiisii Aslam ayaa markaas soo aaday dhanka magaalada ilaa uu gaaray Baytul Maalkii. Markaas ayuu bilaabay inuu soo raro cunto kala duwan, saliid, bariis, subag iyo xogaa lacag ah. Markuu jawaankii buuxiyay ayuu ka codsaday Aslam inuu dhabarka u saaro. Aslam ayaa diiday asaga oo ka xishooday inuu Amiirka Muslimiinta jawaan buuxo dhabarka u saaro. Cumar ayaa ku adkaystay, kuna yiri Aslam: “Ma adiga ayaa Maalinta Qiyaamaha culayska iga qaadi doona. Waa inaan aniga xanbaaro jawaankan
maadaama Maalinta Qiyaamo aniga la I waydiin doono.”
Aslam ayaa markaas Cumar (rc) u saaray dhabarka iyaga oo bilaabay inay aadaan dhankii guriga haweenaydii baahnayd. Markii ay tageen gurigii ayuu Cumar (rc) digsi ka buuxiyay raashin, ilaa uu ka bislaado, hadana u soo riday caruurtii, iyaga oo ka dhargay isla markiina bilaabay cayaar. Haweenaydii oo aad u faraxsan ayaa Cumar (rc) ku tiri: “wallee adaaba ka fiican Amiirka Muslimiinta, Cumar.” Cumar (rc) oonan wali isu sheegin ayaa ku jawaabay: “Hadaad aniga iga soo war doonto, waad arki doontaa Amiirka Muslimiinta insha’Allah.”
Kadib ayuu iska fariistay isaga oo fiirsanaya caruurtii oo cayaar gashay. Intuu Aslam jaleecay ayuu yiri:
“Ma ogatahy waxa igu keenay inaan halkan fariisto? Hadaayey caruurtaan way ooyaysay, iminkana way qoslayaan oo cayaar ayay ku jiraan. Inaan iska fiirsado faraxooda ayaan jeclaystay.”

Comments

Popular posts from this blog

𝗧𝗵𝗮𝗻𝗸 𝘆𝗼𝘂 𝗹𝗲𝘁𝘁𝗲𝗿 ✉️ 𝘁𝗼 𝗺𝘆 𝘀𝗶𝘀𝘁𝗲𝗿

DUCO QIIMO BADAN

𝐘𝐨𝐮𝐫 𝐛𝐫𝐢𝐠𝐡𝐭 𝐬𝐦𝐢𝐥𝐞 𝐥𝐢𝐠𝐡𝐭𝐬 𝐮𝐩 𝐦𝐲 𝐰𝐨𝐫𝐥𝐝